Posted to the web 10:52 Aug 24 2002
Mudane Ka tirsan baarlamaanka Kaneda oo socdaal ku tegay Burco.


Aug 24 2002 Burco(Somaliland Net) Wefti uu hoggaaminayo Mr.Jim Karygiannis oo ah Mudane ka tirsan baarlamaanka Kanada oo maalmahanba booqasho ku joogay waddankan Somaliland ayaa shalay gaadhay magaalada Burco.

Xildhibaankan oo ay ku lamaan yihiin xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee dalka Kanada iyo sarakal ka tirsan madaxtooyada Somaliland waxa ku soo dhaweeyey magaalada Burco Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Duqa magaalada Burco oo kaga hortagay tuulada Qoyta oo 30km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Burco.

Guddoomiyaha gobolka Mr.Cali Cabdi Hure oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaankaasi iyo weftigiisa ayaa waxa uu uga xogwaramay xaalada nabadgelyo iyo xaqaaiqa nabad gelyo iyo xaqaaiqa nololeed ee ka jira guud ahaan gobolka iyo gaar ahaan degmooyinka iyo gudaha magaaladaba.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in nabadgelyada gobolka ay tahay mid la mid ah ta caasimada iyo meeshi kaleba ee hore indhihiisu u soo arkeenba oo xildhibaanku aanu arkayna cid qori sidata ama qasnad rasaasaeed.

Guddoomiyuhu waxa kale oo oo uu sheegay in dawladda Somaliland tahay mid qadiyadeeedu ka dhalatay rabitaanka sahcbiga, sila markaana gaaadheen horumar iyo degenaansho.

Waxaanu ubaahanahay inaad dawladda kanada iyo shacbigeeda gaadhsiiso waxaad indhahaaga ku aragto ayuu yidhi guddomiyuhu isaga oo la hadlaya mudanaha Reer kanada.

Guddoomiyhu waxa kale oo uu u sheegay xildhibaanka inay ganacsatada kanada u gudbiyeen inay maal gashadaan wadankan oo xidhiidh ganacsi la sameeyaan ganacsatada Somaliland.

Duqa magaalda Burco oo Mr.Cabdi Maxamed Mire, oo isaguna kulankaas ka hadlayay ayaa weftiga waxa uu siiyay warbixino la xidhiidha dhinaca baahiyaha bulshada, gaar ahaan mashaariic uu ku sheegay sidii wax looga qaban lahaa deegaanka.

Xildhibaanka oo kulankaasi hadal dheer ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in shakhsi ahaan uu la dhacay sida ay u xurmeeyeen Madaxda Somaliland, gaar ahaan gobola Togdheer oo uu sheegay inuu xusuus gaar ah siin doonomudanuhu waxa kale oo uu sheegay in safarkiisu ahaa mid shaqsi ah, balse uu hadda si rasmiya ugu gudbin doono golahooda iyo dawladda kanada dareenka uu kala kulmay iyo degenaashaha uu ku arkay Somaliland .

Waxa ii muuqda qaran dhisan oo xaq u leh aqoonsi caalamiya ayuu yidhi xildhibaanku.

Mudanihani waxa uu sheegay in safarkisani uu yahay kii u horeeyay ee uu ku yimaado Somaliland isla markaana ujeedadiisu ay ahadyd xaqiiqo raadin sida uu wax uga ogaan lahaa xaaladaha wadankan.

Wakhtigan waxa is bedelay sawirkii aan ka haystay Somaliland ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.
M.P.'s Somaliland Report
Somalilandnet report
Posted to the web 10:41 Aug 27 2002
Canadian official urges Somaliland to step up efforts for international recognition
Aug 27 2002 BBC Monitoring Service - Mr.Jim Karygiannis , who is a visiting Canadian MP, has urged the Somaliland government to seek recognition of the international community in order to achieve a recognized status.

He said this during a press conference held at the Ministry of Information and Guidance. Mr Jim was accompanied by the secretary to the Somaliland parliament in charge of foreign affairs and international cooperation, Hon Muhammad Balgan. He said during his stay in Somaliland, he found that it as a Muslim country but with no extremists, adding that women played a big role in Somaliland's social framework.Mr Jim promised that when he goes back to his country, Canada, he would urge the Canadian government to open an  office in Somaliland, adding that it was highly possible to create business and investment relations between Somaliland and Canada in the future.He said Somaliland had fulfilled some conditions to make it attain recognition, while the forthcoming democratic elections could boost its image to earn international recognition ...Source: Radio Hargeysa
Jim meeting with COSONGO NGO's Umbrella Organization
Discussing the Somaliland report with members of the Somaliland community in Canada as well as Canadian Medical Delegation representatives and Team Leader Dr. Martin L. Robinson Associate  Professor University of London Ontario